HomeWararAxmed Madoobe oo Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Axmed Madoobe oo Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo booqasho ku timid Jubaland. Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Dowlada Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa er Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka. Marwo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo booqasho ku timid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Dowlada Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa er Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka.

- Advertisement -

Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa Jubaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Latest stories