HomeWararUK oo shaacisay Magaca Ninka Soomaaliga ee loo xiray dilkii Xildhibaan Sir...

UK oo shaacisay Magaca Ninka Soomaaliga ee loo xiray dilkii Xildhibaan Sir David

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Booliiska dalka Britain ayaa waxay shaaciyeen magaca nin Soomaali ah oo loo haysto dilkii xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dalkaasi. Ninkani oo magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali – ayaa la rumeysan yahay in uusan ku jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5. Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in […]

- Advertisement -

Booliiska dalka Britain ayaa waxay shaaciyeen magaca nin Soomaali ah oo loo haysto dilkii xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dalkaasi.

Ninkani oo magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali – ayaa la rumeysan yahay in uusan ku jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5.

- Advertisement -

Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in ninkani loo xiray tuhunka ah inuu dilay xildhibaan David Amess, uu horey uga qeyb galay barnaamij dowladda UK ay fulisay oo looga hortagayay xagjirnimada.

Cali Xarbi Cali-oo 25 jir ah oo haysta dhalashada Ingiriiska , balse asal ahaan Soomaali ah ayaa lagu xiray goobtii lagu tooriyeeyay xildhibaanka.

Booliiska ayaa Sabtidii baaray laba cinwaan oo ah aagga London islamarkana ma jiro qof kale oo ay imika ku raad-joogaan.

- Advertisement -

Booliisku ayaa weerarkii ka dhacay Essex imika u baaraya sidii dhacdo argagixiso, oo laga yaabo inay la xiriirto xagjirnimada Islaamiyiinta.

Dhanka kale, waxaa socday baroor-diiq loo sameynayo xildhibaanka la dilay iyada oo shumacyo la dhigayo halkii uu weerarku ka dhacay, si loo xusuusto noloshii Sir David.

Latest stories