HomeWararCiidamo sugaya amniga goobaha Doorashada ee Baladweyne oo tababar u furmay

Ciidamo sugaya amniga goobaha Doorashada ee Baladweyne oo tababar u furmay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa loo furay tababar ku aadan habka sugida amniga goobaha lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee halkaas ka dhaceysa. Madaxa Macalimiinta Booliska Federaalka Col. Cabdiraxmaan Cismaan Koronto ayaa sheegay in tababarka loo furay Ciidanka Booliska uu yahay mid ku saabsan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa loo furay tababar ku aadan habka sugida amniga goobaha lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee halkaas ka dhaceysa.

Madaxa Macalimiinta Booliska Federaalka Col. Cabdiraxmaan Cismaan Koronto ayaa sheegay in tababarka loo furay Ciidanka Booliska uu yahay mid ku saabsan habka loo sugo amniga goobaha lagu qabanayo doorashada ka dhaceysa Baladweyne.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Col. Cabdiraxmaan Cismaan in Ciidanka qaabanayo tababarka looga baahan yahay inay si wagaasan u qaatan casharada la xiriira doorashada ee la siinayo, isla markaana ka faa’iideystaan tababarka, si ay sugaan amniga.

Taliyaha Booliska Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle G/sare Isaaq Cali Cabdulle ayaa dhankiisa sheegay in Magaalada Baladweyne lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, ayna sugayaan amnigeeda, isagoona dardaaran u jeediyay Ciidanka.

Taliye Isaaq Cali Cabdulle ayaa tilmaamay in sigaar ah Ciidanka tababarka u furmay la barayo sida ay u maareynayaan gudaha amniga Xarumaha doorashada, isla markaana Ciidanka tababarka la siinayo ay qaadi doonaan Mas’uuliyad weyn.

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah Magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka, waxaana maalmo kahor halkaas gaaray Wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts