HomeWararQarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Qarax khasaaro badan dhaliyay ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxasi. Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Degmada Yaaqshid ee Gobolkani Banaadir, gaar ahaan aga-gaarka Isgoyska Fagax. Qaraxa ayaa waxaa fuliyay sida la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax khasaaro badan dhaliyay ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxasi.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Degmada Yaaqshid ee Gobolkani Banaadir, gaar ahaan aga-gaarka Isgoyska Fagax.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay sida la sheegay Qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa, iyadoo wararku intaas ku darayaan in la beegsaday goob ay dhalinyaro ku cayaarayeen dibnad, waxaana ku dhintay dhowr qof oo shacab ah, sida wararku sheegayaan.

Inta la xaqiijiyay Seddex ruux ayaa ku dhintay halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen Qaraxa, sida ay sheegayaan warar hoose oo aynu helnay, waxaana Cusbitaalada loola cararay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi ismiidaaminta ahaa.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay Degmooyinka qaar ee Gobolkani Banaadir.

- Advertisement -

Ciidmada ammaanka ayaa xiray isku socodka guud waxaana socda baaritaanno ay sameynayaa Ciidanku,iyadoo ay adagtahay in la ogaado xogta rasmiga ah ee Qaraxa maaddaama halkii ay wax ka dhaceen ay xireen Ciidanka ammaanku,kuwaasi oo goobta gaaray Qaraxa kadib.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts