HomeCaalamkaKooxda Taalibaan oo lagu Eedeeyay inay si aargudasho ah Dad u dileen

Kooxda Taalibaan oo lagu Eedeeyay inay si aargudasho ah Dad u dileen

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Kooxda caalamiga ee u doodda xuquuqda ah ee Amnesty ayaa ku eedeysay Taalibaan inay si sharci darro ah u dileen 13 xubnood oo ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Hazara 30-kii bishii Ogosto, kadib markii ay la wareegeen gacan ku haynta dalka ay dagaalladu ragaadiyeen ee Afghanistan. Dhibanneyaashan waxaa ka mid ahaa 11 […]

- Advertisement -

Kooxda caalamiga ee u doodda xuquuqda ah ee Amnesty ayaa ku eedeysay Taalibaan inay si sharci darro ah u dileen 13 xubnood oo ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Hazara 30-kii bishii Ogosto, kadib markii ay la wareegeen gacan ku haynta dalka ay dagaalladu ragaadiyeen ee Afghanistan.

Dhibanneyaashan waxaa ka mid ahaa 11 askari oo hore uga tirsanaa xukuumaddii Afghanistan ee la eriyay iyo laba qof oo rayid ah oo ay ku jirtay gabar 17-jir ah, sida ay Amnesty International ku sheegtay warbixin cusub oo ay faafisay Talaadadii.

- Advertisement -

Dilalkan ka baxsan sharciga ayaa ka dhacay tuulada Kahor oo ka tirsan degmada Khidir ee bartamaha gobolka Daykundi, ayaa lagu sheegay warbixinta, iyadoo laga soo xigtay markhaatiyaal goobjooge ahaa.

Amnesty ayaa xaqiijisay sawirro iyo caddeymo muuqaal ah oo la qaaday kaddib dilalkan, iyagoo Taalibaan ka dalbanaya in falalkan aargudashada ay joojiyaan.

VOA ayaa xiriir la sameysay Taalibaan, si uu uga jawaabto warbixinta Amnesty, laakiin markiiba kama jawaabin codsiga VOA-da. Hazaras, oo Muslimiin Shiica ah , ayaa 9% ka ah dadka Afghanistan oo ah 36 milyan, taas oo sida Amnesty ay sheegtay ka dhigaysa bartilmaameed ku nool dal Sunni u badan.

Latest stories