HomeWararSheekh Shariif oo Caawa kulan la yeeshay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Sheekh Shariif oo Caawa kulan la yeeshay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isulwasaare ku-xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar ). Madaxweyne Shariif ayaa ku  bogaadiyay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed sidii wacneed ee ay u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isulwasaare ku-xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar ).

Madaxweyne Shariif ayaa ku  bogaadiyay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed sidii wacneed ee ay u hoggaamiyeen Doorashadii aqalka sare ee gobolada Waqooyi.

- Advertisement -

“Waxaan markale u hambalyaynayaa 11-ka xubnood ee loo doortay aqalka sare in ay ku matalaan gobolada Waqooyi ee dalka, waxaa xusid mudan doorkii hoggaamineed ee guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isulwasaare ku xigeenka Mudane Mahdi iyo tanaasulkii ay muujiyeen, sida hufan ee furan ee loogu tartamay kuraasta” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Sh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in Doorashadii Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ay ka muuqatay biseyl, wada shaqayn iyo is aaminaad labada hoggaamiye, isagoo rajeeyay in sidaa oo kale u qabsoonto doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaa lagama marmaan ah in si dhaqsi loo galo doorashada Golaha shacabka, xubnaha Sanatarada ka harayna ay dhaqsi ah u soo dhameystiraan dowlad goboleedyada” ayuu kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisa Sheekh Shariif Sh Axmed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts