HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo saaray Baaq ku socda Shacabka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo saaray Baaq ku socda Shacabka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa si kulul uga hadlay qarax Is-miidaamin ah oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar koontarool oo ku taalla degmada Wadajir. Guddoomiye Cumar Filish ayaa qaraxaas oo lala beegsaday Bar koontarool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa si kulul uga hadlay qarax Is-miidaamin ah oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar koontarool oo ku taalla degmada Wadajir.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa qaraxaas oo lala beegsaday Bar koontarool ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ku tilmaamay inuu ahaa mid fog Islaamnimada iyo Bini’aadanimada, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Wuxuu tacsi u diray Guddoomiyaha dadkii ku geeriyooday qaraxa oo u badnaa Askar ka tirsaneyd Ciidanka dowladda, isla markaana waxaa uu Alle uga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo dadkii ku dhaawacmay oo la geeyay Xarumo Caafimaad.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay si wadajir ah ugu midoobaan la dagaalanka Al-shabaab, si ummada ay ugu noolaadan Nabad iyo Horumar.

Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday Bar koontarool oo ku taalla afaafka hore ee xerada Xalane ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana ku geeriyooday in ka badan 11 qof, halka tirro kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts