HomeWararRW Rooble oo ka horyimid Guddigii uu magacaabay Farmaajo Digniina diray

RW Rooble oo ka horyimid Guddigii uu magacaabay Farmaajo Digniina diray

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Jawaab ka bixiyay Guddiga Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay baariista kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sharci darro ku tilmaamay in gal dacwadeed hor yaalla Maxkamad loo magacaabo Guddi baaris, isagoona xusay Rooble in Guddiga Farmaajo magacaabay uu baalmarsan yahay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Jawaab ka bixiyay Guddiga Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay baariista kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sharci darro ku tilmaamay in gal dacwadeed hor yaalla Maxkamad loo magacaabo Guddi baaris, isagoona xusay Rooble in Guddiga Farmaajo magacaabay uu baalmarsan yahay dastuurka iyo shuruucda dalka.

- Advertisement -

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in arrin sax ah aysan aheyd in xubno ka tirsan Hay’ad loo heysto dacwad ay qeyb ka noqdaan baarayaasha kiiska, taasina ay lid ku tahay Cadaalad u helida qoyska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale adkeeyay in Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ee gacanta ku haaya gal dacwadeedka kiiska Ikraan inay dardar-geliyaan, si qoyska Ikraan ay u helaan Cadaalad madaxbanaan oo ka maran faragelinta hay’addaha fulinta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruha ayaa faray Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Tallaabadan uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa timid, kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu xalay Guddi baaris u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, waxaana Guddigaas hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, iyadoona  Farmaajo sheegay in kiiska Ikraan uu yahay mid xasaasi ah.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka uu soo saaray Rooble.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts