HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo Amar culus dul-dhigay Wasiir Cabdiraxmaan Beyle

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar culus dul-dhigay Wasiir Cabdiraxmaan Beyle

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Amar cusub oo ku socda Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Qoraal kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa Wasiir C/raxmaan Beyle lagu amray in uusan bixin karin wax kharash ah nooc kasta ha’ahaate illaa uu ogalaasho ka helo Xafiiska Rooble.

- Advertisement -

Wasaaradda Maaliyadda ayaa la faray in mushaarka Ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka mas’uuliyiinta Wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo ka gutaan ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha, inta aan la bixin wax lacag ah.

Sidoo kale Rooble ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda in wax lacag aysan ka soo qaadi karin qoondada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lacagta Hay’adda IMF, iyada oo aan ogolaasho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sababta keentay Amar uu Ra’iisul Wasaaraha kusoo rogay Wasaaradda Maaliyadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in taxaddar dheeraad ah loo yeesho kharashka bixinta dowladda iyo isticmaalka lacagta IMF, maadaama uu dalka ku jiro marxalad kala guur ah.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Latest stories