HomeWararGuddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay dilkii Xildhibaan Cardoofe

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay dilkii Xildhibaan Cardoofe

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa ka hadlay dil Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Magaaladaas. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi u diray Ehelada iyo Xisbiga Waddani ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cardoofe oo xalay koox hubeysan ay ku toogteen gudaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro ayaa ka hadlay dil Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Magaaladaas.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi u diray Ehelada iyo Xisbiga Waddani ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cardoofe oo xalay koox hubeysan ay ku toogteen gudaha Magaalada Laascaanood, xili uu ku sugnaa afaafka hore ee hoygiisa.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa ka dalbaday laamaha amniga Gobolka Sool inay si deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan raggii ka dambeeyay dilka Cabdirisaaq Cardoofe, si Cadaalada loo horgeeyo.

“Marxuumku waxa uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka SOOL & xubin Golaha Deegaanka Deg Laasacaanod, Ilaahay ha u naxariisto Marxuumka, Jannadiisana ha geeyo, Xukuumaddana waxaa waajib ku ah in dableyda dishay Marxuumka degdeg caddaalada loo hor keeno. Samir iyo iimaan” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi Cardoofe ayaa kamid ahaa Xildhibaanada Golaha deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, sidoo kalena ka tirsanaa xubnaha Xisbiga Waddani, waxaana toogtay dabley hubeysan oo watay Bastoolad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts