HomeWararDad careysan oo Banaanbax ka dhigay Magaalada Laascaanood

Dad careysan oo Banaanbax ka dhigay Magaalada Laascaanood

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa habeenkii xalay aheyd gudaha Magaaladaas ka dhigay banaanbax ay uga horjeedan dil loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha degaanka Laascaanood. Dadkii banaanbaxa dhigayay oo isugu dhalinyaro iyo haween ayaa sheegay inay ka careysan yihiin dil ay koox ku hubeysneyd Bastoolad u geysteen Marxuum […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaar kamid ah dadka deegaanka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa habeenkii xalay aheyd gudaha Magaaladaas ka dhigay banaanbax ay uga horjeedan dil loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha degaanka Laascaanood.

Dadkii banaanbaxa dhigayay oo isugu dhalinyaro iyo haween ayaa sheegay inay ka careysan yihiin dil ay koox ku hubeysneyd Bastoolad u geysteen Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Cardoofe, xili uu ku sugnaa afaafka hore ee hoygiisa.

- Advertisement -

Dadkaas dhigay banaanbaxa ayaa laamaha amniga Somaliland ee Gobolka Sool iyo kuwa Laascaanood ka dalbaday inay si dhaqsi ah gacanta ugu soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falka lagu khaarijiyey Cabdirisaaq Cardoofe oo ka tirsanaa Golaha deegaanka.

Dabley wadatay Bastoolad oo aan hubeytooda la garan ayaa Xildhibaanka ku toogtay afaafka hore ay hoygiisa xili uu hor-fadhiyey, iyagoona halkaas durbo ka baxsaday, wuxuuna sidoo kalen Marxuumka ka tirsanaa Xisbiga Waddani ee Somaliland.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa dhowr horey uga dhacay dilal qorsheysan oo lagu fuliyey Mas’uuliyiin iyo xubno kale, waxaana inta badan falalkaas geystay rag hubeysan oo aan heybtooda la garan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts