HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo Maanta magacaabay Guddoomiyeyaal Gobol

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta magacaabay Guddoomiyeyaal Gobol

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/XKQ/222/1-713/092021  uu xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

- Advertisement -

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi;

- Advertisement -

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd

Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi;

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag

Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo;

Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe

Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar,

Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone

Ku: Abiib Xaamud Jibriil,

Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera

Mudane,

Sida aad la socotaan, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir Magaca Xilka

1-Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex

2- Maxamed Diiriye Xayd Nuur  Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.

3- Maxamed Cilmi Xuseen Axmed  Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

4- Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

5-Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

6- Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.

7- Siciid Shugri Xuseen Cali  Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.

8- Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.

9- Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.

Latest stories