HomeWararRW Rooble oo la kulmay Wasiirka A/Dibada Kenya kana guddoomay casuumad

RW Rooble oo la kulmay Wasiirka A/Dibada Kenya kana guddoomay casuumad

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo oo soo gaartay Magaalada Muqdisho. Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Roobl iyo Raychelle Omamo ayaa waxaa looga wada hadlay sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo oo soo gaartay Magaalada Muqdisho.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Roobl iyo Raychelle Omamo ayaa waxaa looga wada hadlay sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, taas oo uu ku tegi doono Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaas.

“Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha. Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu.

Dowladda Federalka ayaa waxaa ay sanadkii 2014-kii dacwad u gudbisay Maxkamadda ICJ, oo ay kaga cabanaysay sheegashada Keny ee qeybo ka tirsan Xudduud-baddeedka Somalia ee Badweynta Hindiya, iyadoo labada Dowladood waxay ka war sugayaan Natiijada Xukunka Kma-dambaynta ee Maxkamadda ICJ.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts