HomeWararHaweeney Soomaali ah oo laga soo masaafurin doono Denmark & sababta

Haweeney Soomaali ah oo laga soo masaafurin doono Denmark & sababta

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xafsa Mole oo 25-jir ayaa loo sheegay in dalkaasi laga masaafurin doono bilowga bisha soo socota ee August, sida lagu sheegay qoraal ay Waaxda Socdaalka ee dalkaasi soo saartay bishan July 7-dii. Qoraalka oo si toos ah loogu diray Haweeneydaasi waxaa loogu sheegay in Somalia Nabad tahay, loona masaafurin doono muddo 30 maalmood gudaheeda. Xafsa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xafsa Mole oo 25-jir ayaa loo sheegay in dalkaasi laga masaafurin doono bilowga bisha soo socota ee August, sida lagu sheegay qoraal ay Waaxda Socdaalka ee dalkaasi soo saartay bishan July 7-dii.

Qoraalka oo si toos ah loogu diray Haweeneydaasi waxaa loogu sheegay in Somalia Nabad tahay, loona masaafurin doono muddo 30 maalmood gudaheeda.

- Advertisement -

Xafsa Mole oo muddo 5 sano iyo bar ku noolayd Degmadda Kerteminde oo ku taalla Bartamaha dalkaasi waxay ku guul-daraystay in Deganaanshaheeda loo cusbooneysiiyo sanadkan, iyadoo haatan ka cabsi qabta inay Boliska gurigeeda soo garaacaan, kadib la soo masaafuriyo.

Qareen ayaa loo qabtay, balse, waxay sheegtay inaysan aqoonin waxa ay samayn doonto marka la gaaro bisha August  8-da.

Kadib, muddo ka badan 5 sano oo ay ku noolayd dalkaasi waxay baratay Luqadda Danishka, waxay yeelatay saaxiibo badan, weyna shaqeysnaysay, iyadoo haatan dhamaysanayo Tababar hal sano socday oo lagu barayey Kaaliyaha Bulshadda iyo Caafimaadka.

- Advertisement -

Xafsa Mole oo uu Mukhalas horey u keenay Europe, waxay isku soo martay dalal badan oo aysan aqoonin, ilaa ugu dambeyntii ay soo gaartay dalka Denmark bartamihii bishii October ee sanadkii 2014-kii.

Ma kala cadda in laga soo tarxiili doono Denmark maalmo kadib, marka la gaaro bisha August 8-da.

Dhinaca kale, Dowladda Denmark waxay horey u sheegtay in Muhaajiriinta ka soo kala jeeda dalalaka Somalia iyo Syria ee aan haysanin Oggolaanshaha Deganaanshaha dalkaasi dib loogu celinayo dalalkooda, maadama ay Nabad ka jirto.

Sanadkii 2018-kii, Boqolaal Soomaali ku nool Denmark ayaa lagala laabtay Oggolaanshahii Deganaanshaha, iyadoo qaar ka mid ah ku guuleysteen inay sii joogaan dalkaasi, sida laga soo xigtay Golaha Qaxootiga Denmark ee Danish Refugee Council.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts