HomeWararMadaxweynaha Puntland Deni oo magacaabay Guddi cusub

Madaxweynaha Puntland Deni oo magacaabay Guddi cusub

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii xalay aheyd magacaabay guddiga qaban-qaabada iyo diyaarinta xaflada xuska maalinta 1-da bisha soo socota ee August 2021. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu magacaabay Guddigaan oo ka kooban 7-xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qaban-qaabada iyo diyaarinta xaflada xuska maalinta 1-da August 2021. […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii xalay aheyd magacaabay guddiga qaban-qaabada iyo diyaarinta xaflada xuska maalinta 1-da bisha soo socota ee August 2021.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu magacaabay Guddigaan oo ka kooban 7-xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qaban-qaabada iyo diyaarinta xaflada xuska maalinta 1-da August 2021.

- Advertisement -

Guddiga ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi, waxaana kamid ah xubnaha Guddiga la magacaabay Cabdisamed Maxamed Gallan Wasiirka Wasaaradda Amniga.

Dowlad Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa waxaa sanad kasta marka soo gaaro 1-da Bisha Agoosto laga xusaa maalintii la aasaasay Maamulkaas.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga la magacaabay

- Advertisement -

1-Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (Guddoomiye)

2-Cabdisamed Maxamed Gallan Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta (Xubin)

3-Aamino Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Haweenka (Xubin)

4-Jaamac Faarax Muuse Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha (Xubin)

5-Cabdisalaan Siciid Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta (Xubin)
6-Cabdi Xasan Xuseen Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)

7-Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud Madaxtooyada (Xubin)

Latest stories