HomeCaalamkaTahriibayaal geeriyooday iyo kuwo laga badbaadiyey Dooni degtay

Tahriibayaal geeriyooday iyo kuwo laga badbaadiyey Dooni degtay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

17 Tahriibayaal ayaa ku haftay Dooni shalay ku degtay meel ka baxaan Xeebaha dalka Tunisia, sida uu sheegay Afhayeenka Xafiiska Bisha Cas ee dalkaasi. Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta Jawhara FM ee dalkaasi ayaa sheegay inay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha soo badbaadiyeen 160 Tahriibayaaloo ka mid ahaa Muhaajiriintii la socotay Doonidaasi oo ka soo shiraacatay Xeebaha […]

- Advertisement -

17 Tahriibayaal ayaa ku haftay Dooni shalay ku degtay meel ka baxaan Xeebaha dalka Tunisia, sida uu sheegay Afhayeenka Xafiiska Bisha Cas ee dalkaasi.

Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta Jawhara FM ee dalkaasi ayaa sheegay inay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha soo badbaadiyeen 160 Tahriibayaaloo ka mid ahaa Muhaajiriintii la socotay Doonidaasi oo ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Libya.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Dooni ku degtay Xeebaha dalka Libya ayaa la sheegay inay 20 Tahriibayaal ku geeriyoodeen.

Afhayeenada Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IOM), Safa Masheli ayaa sheegtay inaan weli la ogaanin waxa sababay geerida Muhaajiriintaasi.

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Libya waxay sheegeen inay 7 Dooni oo ay la socdeen 500 oo Tahriibayaal ah gacanta ku dhigeen maalmihii Isniinta iyo Talaadada we isbuucaan.

- Advertisement -

Tahriibayaasha la qabtay oo ay ku jireen 19 carruur iyo 43 Haween waxaa loo gudbiyey Xarunta lagu hayo Muhaajiriinta aan Sharciga lahayn ee Mabaani oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Latest stories