HomeCaalamkaDiyaarad raadinaysay dad la afduubtay oo lasoo riday

Diyaarad raadinaysay dad la afduubtay oo lasoo riday

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Diyaarad ay leeyihiin militariga Nigeria oo raadinaysay dad lagu afduubtay waqooyiga dalkaas ayay soo rideen koox burcad ah, sida ay shaaciyeen taliska militariga. Af hayeen u hadlay ciidamada cirka ee Nigeria ayaa sheegay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Alpha Jet ay si guul ah ku dhammeysay howlgal ay fulinaysay xilligii la weerarayay Axaddii. Wuxuu intaas […]

- Advertisement -

Diyaarad ay leeyihiin militariga Nigeria oo raadinaysay dad lagu afduubtay waqooyiga dalkaas ayay soo rideen koox burcad ah, sida ay shaaciyeen taliska militariga.

Af hayeen u hadlay ciidamada cirka ee Nigeria ayaa sheegay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Alpha Jet ay si guul ah ku dhammeysay howlgal ay fulinaysay xilligii la weerarayay Axaddii.

- Advertisement -

Wuxuu intaas ku daray in duuliyihii diyaaraddaas, oo lagu magacaabo Lt Abayomi Dairo, uu ka booday kaddibna adeegsaday xeelado uu ku badbaado, si aysan gacanta ugu dhigin burcadda.

Dadka deegaanka ayaa gabbaad siiyay duuliyaha sida uu sheegay afhayeenka.

Weerarkan ayaa ka dhacay xadka kala qaybiya gobollada Zamfara iyo Kaduna.

- Advertisement -

Kooxaha hubaysan ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan afduubyo dhawaan loo geystay qaar ka mid ah dadka deegaanka ee ku sugan waqooyiga-galbeed ee dalka Nigeria.

Arday iyo carruur iskuuley ah ayaa si gaar ah loogu bar tilmaameedsadaa weerarrada ay fuliyaan – in ka badan 1,000 qof ayayna afduubteen tan iyo bishii December.

Inta badan dadkaas ayaa lagu soo warramay in la sii daayay kaddib markii laga bixiyay madax furasho, laakiin qaarkoodna waa la dilay.

Latest stories