HomeCaalamkaQofkii lahaa amarkii lagu dilay Madaxweynihii Haiti oo la shaaciyay

Qofkii lahaa amarkii lagu dilay Madaxweynihii Haiti oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Sarkaal hore uga tirsanaa Wasaaradda Caddaalada dalkaasi oo lagu magacaabo Joespeh Felix Badio ayaa la sheegay in laga yaabo inuu ahaa Shaqsigii bixiyey dilkii Madaxweynihii hore ee dalka Haiti, Jovnel Moise. Taliyaha Guud ee Boliska dalka Kolombiya, Jeneral Jorge Vargas ayaa hadalkaasi ku sheegay Baaritaanka hordhac ah ee ku aadan dilkii Madaxweynihii hore ee dalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sarkaal hore uga tirsanaa Wasaaradda Caddaalada dalkaasi oo lagu magacaabo Joespeh Felix Badio ayaa la sheegay in laga yaabo inuu ahaa Shaqsigii bixiyey dilkii Madaxweynihii hore ee dalka Haiti, Jovnel Moise.

Taliyaha Guud ee Boliska dalka Kolombiya, Jeneral Jorge Vargas ayaa hadalkaasi ku sheegay Baaritaanka hordhac ah ee ku aadan dilkii Madaxweynihii hore ee dalka Haiti, kaasi oo bishan July 7-dii lagu dilay Caasimadda Haiti ee Bort-Au-Birinsi (Port-au-Prince).

- Advertisement -

Baaritaano ay si wadajir ah u wadaan Dowladaha Haiti iyo Colombia iyo Ururka Boliska Caalamiga ee INTERPOL ayaa shaaciyey inuu Joespeh Felix Badio u muqudo inuu bixiyey Amarka dilkaasi 3 maalmood ka hor markii uu dhacay Weerarkii lagu khaarijiyey Madaxweynihii hore ee Haiti.

Sida laga soo xigtay Taliyaha Boliska dalka Columbia, waxa Baaritaanka lagu helay inuu Joespeh Felix Badio amray Askar horey uga tirsanaa Ciiddanka Columbia oo lagu kala magacaabo Duberney Capador and German Rivera oo uu la xiriiray, si ay u dilaan Madaxweynihii hore ee Haiti.

Ciiddanka Haiti waxay toogasho ku dileen Duberney Capador, halka ay nolol ku qabteen Askarigii kale ee German Rivera, kaasi oo ku lug lahaa dilkaasi.

- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Boliska dalka Colombia, Jeneral Jorge Vargas ma soo bandhigin caddaymo ama faahfaahino dheeraad oo la xiriirta halka ay Warbixintaasi ka timid.

Maalintii Axadda ee la soo dhaafay, Maamulayaasha Haiti waxay gacanta ku dhigeen Dhakhtar 63 jir ah oo lagu magacaabo Christian Emmanuel Sanon oo deggan Gobalka Florida ee dalka Maraykanka, kaasi oo lagu eedeynayo inuu yahay mid ka mid ah Maskaxdii ka dambaysay dilkii Madaxwyinihii Haiti.

Boliska dalka Haiti waxay xireen Senator hore oo lagu magacaabo John Joel Joseph iyo Madixii Ammaanka ee Qasriga Madaxyooydda Haiti oo lagu magacaabo Dimitri Herard.

Kooxda dilkaasi ku lugta leh waxay ka kooban yihiin 26 u dhalatay dalka Columbia iyo 2 asalkooda Haitian yahay, balse haysta dhalashada Maraykanka.

Maamaulayaasha Haiti waxay sheegeen inay 18 u dhalatay Columbia oo ka qeybgalay la qabtay, halka 3 kale la dilay, iyadoo 5 kale weli baxsad yihiin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts