HomeCaalamkaIn ka badan 200 oo qof oo ay Ganacsato Soomaali ku jireen...

In ka badan 200 oo qof oo ay Ganacsato Soomaali ku jireen oo lagu dilay Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweynaha dalkaasi, Sayral Ramafoosa waxa uu shalay booqday Deeganadii ay Rabshadaha, Bililiqada iyo Xasilooni-darada ka dhaceen ee Gobalka KuwaZulu Natal, wuxuuna wacad ku maray Soo-celinta Nabadda, kadib, hal isbuuc oo ay dhaceen Shaqooyinkii iyo Bililiqadii ugu xumaa tan iyo sanadkii 1994-kii. Madaxweyne Ramafoosa oo ka hadlay Dekedda magaalladda Durban ee Gobalka KuwaZulu Natal oo ay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalkaasi, Sayral Ramafoosa waxa uu shalay booqday Deeganadii ay Rabshadaha, Bililiqada iyo Xasilooni-darada ka dhaceen ee Gobalka KuwaZulu Natal, wuxuuna wacad ku maray Soo-celinta Nabadda, kadib, hal isbuuc oo ay dhaceen Shaqooyinkii iyo Bililiqadii ugu xumaa tan iyo sanadkii 1994-kii.

Madaxweyne Ramafoosa oo ka hadlay Dekedda magaalladda Durban ee Gobalka KuwaZulu Natal oo ay ku xooggan yihiin Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee la xiray ayaa sheegay inay in ka badan 200 oo qof lagu dilay Shaqaaqooyinkaasi oo ahaa kuwo la soo abaabulay.

- Advertisement -

Waxa uu carrabka ku dhuftay in la aqoonsaday tiro ka mid ah kuwii abaabulay Rabshadahaasi, isla markaana an loo oggolaan doonin inay dalka u horseedaan Mustaqbal-xumo.

Madaxweyne Ramafoosa waxa kale oo uu tilmaamay in 212 qof lagu dilay Rabshdihii isbuucii hore dhacay, halka in ka badan 2,500 oo kalena loo xiray falal isugu jira Dhaca iyo Burburin Hantiyeed.

Mar uu ka hadlayey Khasaaraha ka dhashay Bililqadii ka dhacday dalkiisa wxa uu xusay in Dhaqaalaha Koonfur Afrika inuu khasaaray Bilyan iyo Bilyanis oo Dollar, lana burburiyey 161 Xarumaha Ganacsiga, 11 Bakhaar, 8 Wershadood iyo 161 goobaha Khamriga lagu iibiyo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay sheegeen in dad badan ay ku dhinteen, xilli la isbuurtay iyagoo Dukaamada bililiqeysanayey.

Saraakiisha waxay kaloo sheegeen in hal qof loo xiray Abaabulka Rabshadahaasi, halka 11 kalena ilaalo la dul-dhigay.

Xasilooni la’aanta iyo Bililiqada baahsan ee ka dhacday dalkaasi ayaa waxay bilaabantay, kadib, markii Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jakob Zuma lagu xukumay 15-bilood, kadib, markii uu diiday Baaritaanka Eedeymo la xiriira Musuqmaasaq dhacay, muddadii uu Madaxweynaha ka ahaa dalkaasi laga soo bilaabo sanadkii 2009-kii ilaa 2018-kii.

Latest stories