HomeCaalamkaIn ka badan 200 oo qof oo ay Ganacsato Soomaali ku jireen...

In ka badan 200 oo qof oo ay Ganacsato Soomaali ku jireen oo lagu dilay Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha dalkaasi, Sayral Ramafoosa waxa uu shalay booqday Deeganadii ay Rabshadaha, Bililiqada iyo Xasilooni-darada ka dhaceen ee Gobalka KuwaZulu Natal, wuxuuna wacad ku maray Soo-celinta Nabadda, kadib, hal isbuuc oo ay dhaceen Shaqooyinkii iyo Bililiqadii ugu xumaa tan iyo sanadkii 1994-kii. Madaxweyne Ramafoosa oo ka hadlay Dekedda magaalladda Durban ee Gobalka KuwaZulu Natal oo ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dalkaasi, Sayral Ramafoosa waxa uu shalay booqday Deeganadii ay Rabshadaha, Bililiqada iyo Xasilooni-darada ka dhaceen ee Gobalka KuwaZulu Natal, wuxuuna wacad ku maray Soo-celinta Nabadda, kadib, hal isbuuc oo ay dhaceen Shaqooyinkii iyo Bililiqadii ugu xumaa tan iyo sanadkii 1994-kii.

Madaxweyne Ramafoosa oo ka hadlay Dekedda magaalladda Durban ee Gobalka KuwaZulu Natal oo ay ku xooggan yihiin Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee la xiray ayaa sheegay inay in ka badan 200 oo qof lagu dilay Shaqaaqooyinkaasi oo ahaa kuwo la soo abaabulay.

- Advertisement -

Waxa uu carrabka ku dhuftay in la aqoonsaday tiro ka mid ah kuwii abaabulay Rabshadahaasi, isla markaana an loo oggolaan doonin inay dalka u horseedaan Mustaqbal-xumo.

Madaxweyne Ramafoosa waxa kale oo uu tilmaamay in 212 qof lagu dilay Rabshdihii isbuucii hore dhacay, halka in ka badan 2,500 oo kalena loo xiray falal isugu jira Dhaca iyo Burburin Hantiyeed.

Mar uu ka hadlayey Khasaaraha ka dhashay Bililqadii ka dhacday dalkiisa wxa uu xusay in Dhaqaalaha Koonfur Afrika inuu khasaaray Bilyan iyo Bilyanis oo Dollar, lana burburiyey 161 Xarumaha Ganacsiga, 11 Bakhaar, 8 Wershadood iyo 161 goobaha Khamriga lagu iibiyo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay sheegeen in dad badan ay ku dhinteen, xilli la isbuurtay iyagoo Dukaamada bililiqeysanayey.

Saraakiisha waxay kaloo sheegeen in hal qof loo xiray Abaabulka Rabshadahaasi, halka 11 kalena ilaalo la dul-dhigay.

Xasilooni la’aanta iyo Bililiqada baahsan ee ka dhacday dalkaasi ayaa waxay bilaabantay, kadib, markii Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jakob Zuma lagu xukumay 15-bilood, kadib, markii uu diiday Baaritaanka Eedeymo la xiriira Musuqmaasaq dhacay, muddadii uu Madaxweynaha ka ahaa dalkaasi laga soo bilaabo sanadkii 2009-kii ilaa 2018-kii.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts