HomeWararCiidanka Ilaada Xeebaha Puntland oo gacanta ku dhigay Markab si sharci darro...

Ciidanka Ilaada Xeebaha Puntland oo gacanta ku dhigay Markab si sharci darro ah uga Kalluumeysanayay xeebaha G/Bari

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ciidanka Badda ee dowlad Goboleedka Puntland ee PMPF ayaa xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari ku qabtay Markab si sharcidaro ah uga Kalluumaysanaysey xeebaha Puntland. Hal Xidigle Maxamed Axmed Cafiish oo ka tirsan Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa sheegay in xogta Markabkan Kalluumaysi ay heleen ugu dambeyna ku soo qabteen si nabdoon, isagoo ka kalluumaysanaya […]

- Advertisement -

Ciidanka Badda ee dowlad Goboleedka Puntland ee PMPF ayaa xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari ku qabtay Markab si sharcidaro ah uga Kalluumaysanaysey xeebaha Puntland.

Hal Xidigle Maxamed Axmed Cafiish oo ka tirsan Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa sheegay in xogta Markabkan Kalluumaysi ay heleen ugu dambeyna ku soo qabteen si nabdoon, isagoo ka kalluumaysanaya meel aan sidaasi uga sii fogayn Khooriga Dagmada Qandala ee Gobalka Bari.

- Advertisement -

Shaqaalaha saaran ayuu ku sheegay inay yihiin 10 qof oo isugu jiray Kabtankii Markabka Engineer kii iyo 8 Badmaax wuxuuna intaasi ku daray inay hubiyeen Sharciyadoodii kalluumaysi ayna ogaaden in aysan wadan wax sharciyad kalluumaysi ah .

Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa sidaani oo kale horaantii Bishii sadexaad ee sanadkaani ku soo qabteen 10 doonyood iyo shaqaalihii la socday, kuwaasi oo laga lahaa dalka Yemen si sharci daro ahna uga kalluumaysanayay Xeebaha bari ee Puntland.

Latest stories