HomeWararAl-shabaab oo la wareegay degaan ay Maanta isaga baxeen Ciidamo

Al-shabaab oo la wareegay degaan ay Maanta isaga baxeen Ciidamo

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay la wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Al-shabaab ayaa la wareegtay gacan ku heynta degaan lagu magacaabo marin gubaay oo 40-KM ujira Magaalada Baraawe, kadib markii halkaas ay barqanimadii Maanta isaga baxeen Ciidanka AMISOM gaar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay la wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa la wareegtay gacan ku heynta degaan lagu magacaabo marin gubaay oo 40-KM ujira Magaalada Baraawe, kadib markii halkaas ay barqanimadii Maanta isaga baxeen Ciidanka AMISOM gaar kuwa Uganda oo ku sugnaa.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in mar qura ay ka War haleen Ciidankii Uganda ee joogay marin gubaay oo isaga baxaya deegaanka, isla markaana agabyadoodii ka qaatay Saldhigyo ay ku lahaayeen deegaankaas.

Sidoo kale dadka ayaa sheegay in saacad kadib marin gubaay ay gudaha u soo galeen Al-shabaab oo wata gaadiidka nooca dagaalka,iyada wax dagaal uusa ka dhicin oo si caadi ah Shabaabka u qabsadeen, isla markaana weli ay sugan yihiin.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidankii AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay u dhaqa-qaaqeen dhinaca degmada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Saldhigyo ku leeyihiin Ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay Ciidanka ay isaga baxaan deegaanka marin gubaay oo muhiim u ahaa isku gudbinta sahayda ciidamada Uganda ee ku sugan Buulo-mareer iyo Magaalada Baraawe, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts