HomeWararMacalinkii xulka Qaranka Soomaaliya oo shaqada laga ceyriyey iyo sababta keentay

Macalinkii xulka Qaranka Soomaaliya oo shaqada laga ceyriyey iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in shaqada laga ceyriyey macalinkii xulka Qaranka dalka Soomaaliya Cabdiladiif Salef, kaasi xilka tababaranimo haayay wax ka yar seddex isbuuc. Qoraal ay soo saareen xiriirka ee kubadda Cagta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in tababaruhu yahay mid aan anshax lahayn, isla markaana ku eedeeyay in uusan laheyn xirfad-yaqaannimo. Sidoo […]

- Advertisement -

Xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in shaqada laga ceyriyey macalinkii xulka Qaranka dalka Soomaaliya Cabdiladiif Salef, kaasi xilka tababaranimo haayay wax ka yar seddex isbuuc.

Qoraal ay soo saareen xiriirka ee kubadda Cagta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in tababaruhu yahay mid aan anshax lahayn, isla markaana ku eedeeyay in uusan laheyn xirfad-yaqaannimo.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Macalinkii xulka Qaranka Cabdiladiif Salef in uu si xun ula dhaqmay xiddigaha Qaranka, uuna aflagaadeenayay tan iyo markii uu qabtay xilka tababaranimo.

Cabdiladiif Salef Macalinkii Ocean Stars ayaa ahaa Muwaadin reer Belgium ah asal ahaanna ka soo jeeda Morocco, waxaana xilka tababaranimo uu haayay wax ka yar seddex isbuuc.

Ciyaartooda xulka Qaranka Soomaaliya ee Ocean Stars ayaa ku sugan dalka Jabuuti, iyagoona isku diyaarinaya in 20-ka bishan la Ciyaaraan xulka Qaranka dalka Cumaan kulan ka tirsan is reeb reebka koobka Aduunka ee Jaamacada Carabta.

Latest stories