HomeWararDarawalo cabasho ah oo xirtay waddo ku dhow Xarunta Madaxtooyada

Darawalo cabasho ah oo xirtay waddo ku dhow Xarunta Madaxtooyada

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Boqolaal dhalinyaro oo kamid ah Darawalada Mooto Bajaajta ayaa Maanta banaanbax cabasho ka dhigay agagaarka Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir. Darawaleyda Mooto Bajaajta oo xirtay wadada Shabeelle ee aada dhinaca Suuqa Xamarweyne ayaa sheegay inay ka cabanayaan burburka waddooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo waddooyin ay xireen biyaha roobkii ka da’ay Magaalada. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boqolaal dhalinyaro oo kamid ah Darawalada Mooto Bajaajta ayaa Maanta banaanbax cabasho ka dhigay agagaarka Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir.

Darawaleyda Mooto Bajaajta oo xirtay wadada Shabeelle ee aada dhinaca Suuqa Xamarweyne ayaa sheegay inay ka cabanayaan burburka waddooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo waddooyin ay xireen biyaha roobkii ka da’ay Magaalada.

- Advertisement -

Qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata Bajaajta oo la hadlay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegay in wax la aqbali karo aysan aheyn iyaga oo laga qaado lacagta Canshuur inay waayan meel ay maraan burburka ka jira waddooyinka qaar awgood.

Maamulka Gobolka Banaadir ayey Bajaajleyda ugu baaqeen inay si deg deg ah wax uga qabtaan cabashooda, isla markaana ay furaan waddooyinka ay xireen biyaha roobkii ka da’ay Magaalada iyo kuwa kale.

Sidoo kale Bajaajleyda oo xirtay wadada Shabeelle ayaa tilmaamay in halkaas ay u xirnaan doonto ilaa inta laga jawaabayo cabashada, iyagoona sheegay inay tageen Xarumo Degmo iyo meelo kale, balse ay waayeen cid ka jawaabta cabashadooda.

- Advertisement -

Wadada Shabeelle ee ku taalla agagaarka Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir ayaa waxaa ku xayiran gaadiid farabadan oo ay ku jiraan kuwo u socda dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts