HomeWararFaah faahin:-Ciidanka Haramcad iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Muqdisho 

Faah faahin:-Ciidanka Haramcad iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Muqdisho 

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal muddo ku dhow saacad socday oo habeenkii xalay aheyd Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray qeyb kamid ah Magaalada Muqdisho. Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Isgoyska Ex-koontarool Balcad ee Muqdisho, waxaana inta uu socday dagaalka Ciidanka Booliska iyo Al-shabaab ay dadka maqlayeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal muddo ku dhow saacad socday oo habeenkii xalay aheyd Ciidanka Booliska dowladda ee Haramcad iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray qeyb kamid ah Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Isgoyska Ex-koontarool Balcad ee Muqdisho, waxaana inta uu socday dagaalka Ciidanka Booliska iyo Al-shabaab ay dadka maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo la isku adeegsanayay.

- Advertisement -

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka uu ka bilowday, ka gadaal markii xubno ka tirsan Shabaabka ay weerar ku qaadeen Ciidamo Boolis ah oo Bar koontarool ku leh wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo ay ka socoto dhismo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Haramcad oo ka hadlay dagaalkii xalay dhacay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray.

Weli si dhab ah looma oga khasaaraha dagaalkii dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, wallow Taliska Booliska Haramcad ay sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen xubnihii la dagaalamay.

- Advertisement -

Si kastaba wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka socda dhismo ballaaran oo lagu sameeynayo wadadaas, isla markaana waxaa Injineerada ku howlan dhismaha Jidka, amnigooda ku sugaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad ee dowladda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts