HomeWararFaah faahin:-Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Puntland

Faah faahin:-Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Puntland

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Shil gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah. Shilkaan ayaa waxaa uu yimid, ka gadaal markii gaari nooca dadweynaha raacaan ee loo yaqaano BL-da uu rogmaday, xili uu marayay goob laga wareejiyay Kantaroolka Galbeed ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shil gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, waxaana laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Shilkaan ayaa waxaa uu yimid, ka gadaal markii gaari nooca dadweynaha raacaan ee loo yaqaano BL-da uu rogmaday, xili uu marayay goob laga wareejiyay Kantaroolka Galbeed ee Garoowe.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay hal qof oo dumar ah ayaa ku geeriyootay shilkaas dhacay, isla markaana waxaa ku dhaawacmay 5 qof oo kamid ah 10 ruux oo la socday gaariga shilka galay oo ka yimid dhinaca degaanka Laacdheere.

Dad goob ka agdhawaa ayaa gurmad xoogan u sameeyay dadkii waxyeelada soo gaartay, kuwaasi oo si deg deg ah loo gaarsiisay Isbitaalka weyn ee Garoowe, waxaana qof kamid ah dadkii dhaawacmay xaaladiisa tahay mid liidato.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in darawalkii waday gaariga shilka galay uu goobta ka cararay, waxaana la tilmaamay in Booliska baadi goob ay sameeyeen lagu soo qabtay darawalkii waday gaariga.

- Advertisement -

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana ugu dambeysay shil gaari oo jimcihii ka dhacay degaan hoostega Gobolka Sool.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts