HomeWararIsrasaaseyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Magaalada Muqdisho

Israsaaseyn khasaaro geysatay oo ka dhacday Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Faah faahino ayaa laga helayaa Israsaaseyn Ciidamo ka wada tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya barqanimadii Maanta ku dhexmartay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Israsaaseynta ayaa dhexmartay Ciidamo ka amar qaata Sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne iyo Ciidamo Milateri ah, waxaana ay rasaasta bilaabatay, kadib markii Ciidanka Milateriga rasaas ay ku furanayeen ciriir ka jiray Isgoyska Warshada caanaha ay ka shakiyeen ciidanka Liibaan oo ku sugnaa goobta.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Israsaaseynta Ciidamada dowladda ay ka geysatay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, halka mid kalen uu dhaawac soo gaaray.

Goor dambe ayaa la tilmaamay in Saraakiisha Ciidamada israsaaseeyay ay is fahmeen, isla markaana waxaa si caadi ah dib ugu soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Warshada caanaha oo daqiiqado kooban hakad galay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale ay israsaaseyn geysatay khasaaro  kala duwan ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana rasaasta timid, kadib markii ay kala shakiyeen Ciidamada.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories