HomeWararDowladda Somalia oo ka hadashay Imtixaanka shahaadiga ee Maanta bilowday

Dowladda Somalia oo ka hadashay Imtixaanka shahaadiga ee Maanta bilowday

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Wasiirka Waxbarashada ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyadda sare sanad dugsiyeedka 2020-2021 oo sanadkaan ay galayso ardey gaareysa 42 kun. Mahdi Guuleed ayaa ardayda dugsiyada sare ee maanta u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah u rajeeyay inuu guul ugu soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Wasiirka Waxbarashada ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyadda sare sanad dugsiyeedka 2020-2021 oo sanadkaan ay galayso ardey gaareysa 42 kun.

Mahdi Guuleed ayaa ardayda dugsiyada sare ee maanta u fariisaneysa imtixaanka shahaadiga ah u rajeeyay inuu guul ugu soo dhammaado imtixaanka, waxaana sidoo kale Imtixaanka uu ka bilowday maamulada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Eng C/llaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in imtixaanka dugsiyaddaa sare ee maanta ka bilowday dalka lagu geli doono 121 Goobood marka laga soo bilaabo Gaalkacyo, ayna u fariisanayaan 42 kun oo Arday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa siweyn u sugaya goobaha Arday ay ku galayaan Imtixaanka shahaadiga, waxaana gaadiidka noocyadiisa kala duwan loo diidayaa inay hormaraan goobahaas.

Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa sanad kasta qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyadda Sare, iyada oo loo diyaariyay qaab waafaqsan nidaamka waxbarashada dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts