HomeWararFaah faahin:- Qarax Khasaaro gaystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Faah faahin:- Qarax Khasaaro gaystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wararka aan ka helayno Magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa ku warramaya in goordhaweyd uu ka dhacay qarax khasaaro badan dhaliyay, kaasi oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha kaal duwan ee Magaaladaasi. Dad goobjoogyaal ah oo ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in Qaraxu uu si gaar ah uga dhacay maqaayad ku taalo […]

- Advertisement -

Wararka aan ka helayno Magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa ku warramaya in goordhaweyd uu ka dhacay qarax khasaaro badan dhaliyay, kaasi oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha kaal duwan ee Magaaladaasi.

Dad goobjoogyaal ah oo ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegaya in Qaraxu uu si gaar ah uga dhacay maqaayad ku taalo suuqa qaadka ee Baydhabo, waxaana la sheegayaa in Qaraxaasi uu gaystay khasaaro isugu jira DHimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Qaraxaasi Seddex ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in ay macquul taahay in dhimashadu ay sii kororto, maaddaama qaraxu ahaa mid xooggan oo si weyn looga maqlay Magaalada.

Ciidanka ammaanka ayaa gaaray halka ay wax ka dhaceen, waxaana ay billaabeen sida la sheegay howlgallo ay ku baadi goobayaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay Qaraxaasi, inkastoo aan la shaacin cid loo soo qabtay Qaraxaasi khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay maqaayad ku taallo suuqa qaadka ee Magaalada Baydhabo.

Latest stories