HomeWararDad lagu dilay weerar ka dhacay Galgaduud iyo faah faahin kasoo baxeysa

Dad lagu dilay weerar ka dhacay Galgaduud iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Weerar loo adeegsaday rasaas xoogan ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay tuulo hoostegta deegaanka Balanballe ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ayaa weerarkaas ku qaaday saddex qof oo ku sugnaa tuulada Garasle ee Galgaduud, waxaana falka kadib goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Inta la xaqiijiyay saddex qof oo mid ay haweeney tahay ayaa ku geeriyooday weerarka, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray, waxaana la sheegay in weerarka uu la xiriiray Arrimo ku saabsan aano qabiil.

Maalmo kahor ayey markii tuulada Garasle ee hoostegta deegaanka Balanballe Gobolka Galgaduud uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Si kastaba deegaano iyo degmooyin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay kusoo badanayay dagaal beeleedyada iyo dilalka qorsheysan ee la xiriira aanooyinka qabiil, waxaana xusid mudan in dagaalada qaarkood dhacay heshiisyo laga gaaray.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories