HomeCaalamkaWeriye u shaqeeya Wargeys Caan ah oo laga masaafuriyey Itoobiya

Weriye u shaqeeya Wargeys Caan ah oo laga masaafuriyey Itoobiya

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Dowladda Ethiopia ayaa waxaa ay xaqiijisay inay masaafuriyeen Weriye Ajnabi ah oo u shaqeeya Wargeyska The New York Times, kadib, markii ay kala laabteen Laysinkii uu ku hawlgeli jirey.

Go’aanka lagu cayriyey Saxafiga Simon Marks oo u dhashay dalka Iredland ayaa lagu sheegay inay timid, kadib, markii uu Warar aan isku dheelitirnayn ka tebiyey Colaadda ka socota Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga dalkaasi, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Ururka Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) waxay cambaareeyeen Saxafiga laga soo masaafuriyey Ethiopia, iyadoo ay cayrintaasi tahay tii ugu horeysay ee lagula kaco Suxufiyiinta Ajaaniibta, tan iyo markii uu RW Abiy Ahmed la wareegay Talada dalkaasi.

Maamulka Wargeyska The NYT ayaa waxaa sheegeen inay Saraakiisha Ethiopia ay Simon Marks ugu yeereen Kulan maalintii Khamiista ee la soo dhaafay, isla markaana ay 8 saacadood ku hayeen Garoonka, ka hor intaysan isaga saaarin Duullimaad saqdii dhexe ee xalay.

Dhinaca kale, Saxafiga Simon Marks waxa uu Bartiisa Twitterka ku qoray inaysan Saraakiisha Socdaalka oo keliya ka hor-joogsanin inuu guriga ka soo qaato Hantidiisa iyo inuu soo macasalameeyo saaxiibtiisa iyo wiilkiiisa 2-jirka ah

- Advertisement -

Madaxa Hay’adda Warbaahinta Ethiopia, Maxamed Idris oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP waxa uu tilmamay inuusan Saxafiga Simon Marks Joogitaan Ganacsi ku lahayn gudaha Ethiopia iyo isagoo aan lahayn Laysinka Warbaahineed ( A Media Licence).

Latest stories