HomeWararSafiir muddo xileedkiisa shaqo Idlaaday oo Maanta laga sagootiyay Muqdisho

Safiir muddo xileedkiisa shaqo Idlaaday oo Maanta laga sagootiyay Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo Sabti ah, xarunteeda Caasimadda Muqdisho, lagu qabatay xaflad lagu sagootinayay Qin Jian, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay. Intii lagu gudo jiray xafladda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Balal Maxamed Cusmaan, ayaa bogaadiyay dadaallada ballaaran ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo Sabti ah, xarunteeda Caasimadda Muqdisho, lagu qabatay xaflad lagu sagootinayay Qin Jian, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay.

Intii lagu gudo jiray xafladda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Balal Maxamed Cusmaan, ayaa bogaadiyay dadaallada ballaaran ee Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu la yimid intii uu ka shaqaynayay Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay in shaqada Safiirka gacan ka gaysatay horumarinta xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sare u qaadiddiisa si looga dhabeeyo dano wadaagga labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Dhankiisa, Qin Jian ayaa uga mahadceliyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taageerada iyo iskaashiga ay u muujiyeen oo ka qeyb qaadatay guusha shaqadiisa, isagoo u rajeeyay Soomaaliya horumar joogta ah iyo barwaaqo.

Dhammaadka xafladda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa guddoonsiiyay Safiirka Shiinaha ee muddo xileedkiisa shaqo ee Soomaaliya ay ka dhammaatay hadiyad xusuus ah, isagoo guul u rajeeyay shaqooyinka uu qaban doono mustaqbalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts