HomeWararRa'iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa galabta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo safarkiisa ay ku wehlinayeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusii sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Rooble ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad dib loo doortay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadan doona qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa Caleemo-saarka Madaxweyne Geelle, iyagoo ka arrinsan doona xaaladda Soomaaliya iyo Arrimo kale.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii 5-aad oo xiriir ah ku guuleystay doorashada Madaxtinimada dalka Jabuuti, waxaana Caleemo-saarkiisa ka qeyb galaya Madax badan oo lagu casuumay.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories