HomeWararGalmudug oo Guddi baaris u magacaabeysa Dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Galmudug oo Guddi baaris u magacaabeysa Dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay Dil kooxo hubeysan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ugu geysteen Sheekh Cali Axmed Faarax (Cali Dheere), kadib markii ay afduubteen. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray qoyska uu ka baxay Marxuum Sheekh Cali Axmed, waxaana Wasaaradda amniga sheegtay in Sheekha uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay Dil kooxo hubeysan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ugu geysteen Sheekh Cali Axmed Faarax (Cali Dheere), kadib markii ay afduubteen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray qoyska uu ka baxay Marxuum Sheekh Cali Axmed, waxaana Wasaaradda amniga sheegtay in Sheekha uu ahaa samafale.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa falka dilka loo geystay Sheekha ku tilmaamtay inuu ahaa gabaoodfal iyo xadgudub, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan falkaas dhacay.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa xustay in dilka loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax ay u magacaabeyso Guddi baariraano ku sameeya, isla markaana ka codsatay Ehelada Marxuumka inay is dejiyaan oo Guddiga warbixin ka sugaan.

Ugu danabyn, Wasaaradda ayaa waxaa ay ballan-qaaday in muddo kooban gudaheed xogta baarista lala wadaagi doono hey’adaha sharciga iyo ehelada, iyada oo  ciddii lagu helo in ay ka danbaysay falkaas ama qeyb ka ahayd la horkeeni doono sharciga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts