HomeWararRW Rooble “Waa in aan isu kaashannaa la-dagaallanka Al-shabaab”

RW Rooble “Waa in aan isu kaashannaa la-dagaallanka Al-shabaab”

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir oo jugtiisa siweyn loo maqlay. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Cambaareyay qaraxaas oo lagu weeraray Saraakiil Ciidan oo ku sugneyd Saldhiga Booliska Waaberi, isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir oo jugtiisa siweyn loo maqlay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Cambaareyay qaraxaas oo lagu weeraray Saraakiil Ciidan oo ku sugneyd Saldhiga Booliska Waaberi, isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Saraakiil Ciidan.

- Advertisement -

Rooble ayaa marka hore tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen Taliyihii Booliiska degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Taliye ku-xigeenkii qeybta Weliyow Cadde, Askarta kale ee Ciidanka Booliska iyo dad shacabka ahaa.

“Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in loo midoobo, la iskana kaashado la dagaalanka Al-shabaab oo weeraro xiliyada qaarkood ka geysta Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Muqdisho ee lagu weeraray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda, iyagoona sheegay inay ku dileen Taliyihii Booliska Waaberi Axmed Cabdullaahi Baashane iyo ku-xigeenkii Booliska qeybta Waliyoow Cadde, ayna ku dhaawaceen Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Latest stories