HomeWararDowladda Somalia oo War kasoo saartay Qaraxyo lagu dilay Dad badan

Dowladda Somalia oo War kasoo saartay Qaraxyo lagu dilay Dad badan

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay Qaraxyo loo adeegsaday gaari oo lagu weeraray Iskuul ay ku sugnaayeen Boqolaal Arday oo ku yaalla Caasimadda Kaabul ee Dalka Afgaanistaan.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka Soomaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay Cambaareyneyso weerarkii argagixisimo ee duhurnimadii shalay lagu qaaday Iskuulka ay joogeen ardayda aan waxba galabsan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay garan taagan tahay, isla markaana  murugadana la qaybsaneyso shacabka iyo Dowladda Afgaanistaan, ayna ka xun yihiin weerarkii ka dhacay Caasimadda Kaabul.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynasaa qaraxyada argagixisada ee galaaftay ardayda aan waxba galabsan ee ka dhacay Caasimadda Kaabul ee Dalka Afgaanistaan. Waxa aannu garab taagannahay, murugadana la qaybsanaynaa shacabka iyo Dowladda Afgaanistaan” ayaa lagu yiri Qoraalka Dowladda ee SONNA lagu daabacay.

Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa sheegay in ugu yaraan 25 qof dilay in ka badan 50 kalana lagu dhaawacay qarax ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla caasimada Afghanistan ee Kabuul.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in qaraxyo waaweyn oo is xigxigay ay ka dhaceen galbeedka magaalada una dhow dugsi sare oo ay dowladdu maamusho laguna magacaabo Sayeed-ul-Shuhada.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories