HomeWararDad barakacayaal ah oo ku dhintay Derbi kusoo dumay duleedka Muqdisho

Dad barakacayaal ah oo ku dhintay Derbi kusoo dumay duleedka Muqdisho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dad barakacayaal ah oo kunool Kaam ku yaalla deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho oo xalay uu kusoo dumay derbi weyn oo ay Ag-daganaayeen. Debiga soo dumay oo ahaa dhismo horey ayaa ku dhex yaalla Kaam lagu magacaabo Al-cadaada ee deegaanka Garasbaaleey gaar ahaan agagaarka Jaamacadda Shabeelle, waxaana ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dad barakacayaal ah oo kunool Kaam ku yaalla deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho oo xalay uu kusoo dumay derbi weyn oo ay Ag-daganaayeen.

Debiga soo dumay oo ahaa dhismo horey ayaa ku dhex yaalla Kaam lagu magacaabo Al-cadaada ee deegaanka Garasbaaleey gaar ahaan agagaarka Jaamacadda Shabeelle, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in Lix ruux ay halkaas ku geeriyoodeen oo 4 kamid ah ay ahaayeen dad isku qoys ah, xili ay hoos jiifeen derbiga soo dumay, isla markaana waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo la geeyay Isbitaalka Madiina.

Dad shacab ah oo ka agdhawaa Kaamka ay deganaayeen Barakacayaasha ayaa tegay goobta, iyagoo Debiga soo dumay kasoo hoos bixiyay Meydadka dadka geeriyooday, waxaana la tilmaamay in burburka dhimaha uu sababay roobabkii ka da’ay Caasimadda.

Dadka degan deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho ayaa saaka aad u hadal haaya dhacdadaan xanuunka badan, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ay sheegayaan in haatan ay socoto qaban-qaabada lagu aasayo dadkii dhintay.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho iyo duleedka ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay lasoo dhaafay ka da’ayay roobab xoogan, kuwaasi oo ay sameeyeen qoys danyar oo ku kala sugan Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir iyo duleedka Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts