HomeWararMaamulka G/Banaadir oo Deeq gaarsiisay Qoysas ay Carruur ka dhinteen

Maamulka G/Banaadir oo Deeq gaarsiisay Qoysas ay Carruur ka dhinteen

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa xalay Booqday sadax qoys oo shalay Caruur ay ugu geeriyootay Roobabkii ka da’ay Muqdisho. Guddoomiye Cumar Filish oo marka hore kulan la qaatay qoysaska ayaa waxaa uu uga tacsiyeeyay geerida Carruurtooda oo ku naf-waayay daadadkii ka dhashay roobabkii da’ay oo Carruurta ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa xalay Booqday sadax qoys oo shalay Caruur ay ugu geeriyootay Roobabkii ka da’ay Muqdisho.

Guddoomiye Cumar Filish oo marka hore kulan la qaatay qoysaska ayaa waxaa uu uga tacsiyeeyay geerida Carruurtooda oo ku naf-waayay daadadkii ka dhashay roobabkii da’ay oo Carruurta ay guriga biyo farabadan ugu galeen.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda ayaa qoysaska ku wareejiyay Deeq lacag ah, wuxuuna Carruurtii ka geeriyootay Alle uga baryay inuu u naxariisto, Samir iyo iimana ka siiyo guud ahaan qoysaska.

Sidoo kale Cumar Filish ayaa Kormeeray qaar ka mid Waddooyinka Magaalada oo ay waaxda Howlaha Guud ee dowladda Hoose Xamar ka wadaan Biyo dhaamin, maadaama saacadihii lasoo dhaafay Muqdisho ay ka da’een roobab aad u xoogan.

Booqashada uu qoysaska ugu tegay Guddoomiyaha Gobolka iyo kormeerka uu sameeyay ayaa waxaa ku Wehlinaayay Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Ugu yaraan 7 Carruur ayaa ku geeriyootay daadadkii ka dhashay roobab xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay Muqdisho, waxaana daadadka ay Carruurta ugu galeen Gurigii ay ku sugnaayeen oo ku yaalla xaafadda Buula-xuubey ee degmada Wadajir.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts