HomeCaalamkaMareykanka iyo Suudaan oo wadahadal ka yeeshay xalinta khilaaf taagaan

Mareykanka iyo Suudaan oo wadahadal ka yeeshay xalinta khilaaf taagaan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Jeneral C/Fataax Al- Burhaan oo Madax ka ah Golaha TSC ee hayinka u haya dalka Sudan ayaa waxaa uu  shalay xubno ka socda Aqalka Senedka Maraykanka kula kulmay Qasriga Jamhuuriga (The Republican Palace) ee Magaaladda Khartoum. Wafdiga uu Al-burhani la kulmay oo ka kooban 2 xubnood ayaa waxaa ay ka tirsan yihiin Guddiga Xiriirada Arrimaha […]

- Advertisement -

Jeneral C/Fataax Al- Burhaan oo Madax ka ah Golaha TSC ee hayinka u haya dalka Sudan ayaa waxaa uu  shalay xubno ka socda Aqalka Senedka Maraykanka kula kulmay Qasriga Jamhuuriga (The Republican Palace) ee Magaaladda Khartoum.

Wafdiga uu Al-burhani la kulmay oo ka kooban 2 xubnood ayaa waxaa ay ka tirsan yihiin Guddiga Xiriirada Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senedka ee Maraykanka.

- Advertisement -

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayo Senator Christopher Coons, iyadoo uu wehliyey Senator Chris Van Hollen.

Warbaahinta Dowladda Suudan waxay sheegtay in Kulankaasi diirada lagu saaray Xiriirka Mareykanka iyo Suudan, Xalinta Khilaafka Suudan iyo Ethiopia ee Muranka Biyo-xireenka GERD iyo sidii ay Hay’addaha Caalamiga taageero uga geysan lahaayeen Taakulaynta Kumanaanka Qaxootiga Ethiopianka ee ku nool Xeryaha ku yaalla gudaha dalka Sudan.

W/Q: Ustaad Nuradin.

Latest stories