HomeWararMaxay Puntland ka tiri dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho?

Maxay Puntland ka tiri dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadashay dagaaladii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga ee kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo. War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin dagaaladii ka dhacay Muqdisho, iyagoona tacsi u diray cid kasta oo wax yeello […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadashay dagaaladii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga ee kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin dagaaladii ka dhacay Muqdisho, iyagoona tacsi u diray cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay dagaaladaas dhacay.

- Advertisement -

Puntland ayaa Ciidanka dowladda Federaalka ugu baaqday inay ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida dalka Soomaaliya, isla markaana ka fogaadan wax kasta oo dalka u keeni kara qalalaaso siyaasadeed.

“Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka Puntland.

Ugu dambeyn Maamulka Saciid Deni ayaa ugu baaqay Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed  in ay gacan ka  geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts