HomeWararKoox hubeysan oo Nabadoon Caan ah ku dilay Shabeellaha Hoose

Koox hubeysan oo Nabadoon Caan ah ku dilay Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa deegaanka, waxaana la helayaa faah faahino dheeraad ah. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag dhalinyaro oo watay Bastoolad ay toogteen Nabadoonka, xili uu ku sugnaa meel ku dhow Gurigiisa, isagoona u dhintay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen Nabadoon Caan ka ahaa deegaanka, waxaana la helayaa faah faahino dheeraad ah.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag dhalinyaro oo watay Bastoolad ay toogteen Nabadoonka, xili uu ku sugnaa meel ku dhow Gurigiisa, isagoona u dhintay xabbado looga dhuftay jirka sare.

- Advertisement -

Marxuumka la dilay ayaa waxaa magacaabiisa lagu sheegay Axmed Maxamed Mayow, isla markaana waxaa goobta si deg deg ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas oo aan heybtooda la aqoon.

Ciidamo iyo qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, iyagoona qaaday Meydka, waxaana halkaas baaritaano kooban ka sameeyay Ciidanka amniga maamulka degmada Afgooye, in kastoo aan la ogeyn cida lagu soo qabtay.

Wararka ayaa waxaa ay intaas kusii darayan in weli ay socdaan howlgal lagu baabi goobayo raggii ka dambeeyay falka lagu dilay Nabadoon Axmed Maxamed Mayow oo Caan ka ahaan gudaha degmada.

- Advertisement -

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Askar iyo Nabadoono laga yaqaanay halkaas, waxaana inta badan falalkaas sheegtay Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts