HomeWararRooble oo booqday Askarta ku dhaawacantay weeraradii Awdheegle iyo Bariire

Rooble oo booqday Askarta ku dhaawacantay weeraradii Awdheegle iyo Bariire

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga booqday askarta CXD ee ku soo dhaawacantay weerarkii maalmo kahor Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiyada Awdheeglle iyo Bariire. Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga booqday askarta CXD ee ku soo dhaawacantay weerarkii maalmo kahor Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiyada Awdheeglle iyo Bariire.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una rajeeyay caafimaad deg deg ah.

- Advertisement -

Rooble ayaa askarta uga mahadceliyay difaaca dalka iyo la dagaalanka Al-shabaab, waxaana uu u ballan qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya u heellan tahay daryeelkooda.

Qaar ka mid ah askarta u soo dhaawacantay difaaca Qaranka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa, iyagoo  tilmaamay in ay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la keenay Askartii kusoo dhaawacantay weerarkii xooganaa ee Al-shabaab ku qaadeen Saldhiyada Ciidamada ee Awdheeglle iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoona Al-shabaab iyo Dowladda ay guulo ka sheegteen weerarka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts