HomeWararMadaxtooyada oo ka hadashay Shirka Maanta dib uga furmaya Afisyooni

Madaxtooyada oo ka hadashay Shirka Maanta dib uga furmaya Afisyooni

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay Shirka maalmihii lasoo dhaafay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa marka hore beeniyay warar lagu faafiyay baraha Bulshada oo sheegayay inay fashileen wada-hadaladii u socday Madaxda ee looga hadlayay doorashada iyo khilaafka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay Shirka maalmihii lasoo dhaafay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga socday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa marka hore beeniyay warar lagu faafiyay baraha Bulshada oo sheegayay inay fashileen wada-hadaladii u socday Madaxda ee looga hadlayay doorashada iyo khilaafka taagan.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Agaasime C/rashiid Xaashi in Maanta oo tallaado ahuu dib u bilaaban doono Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ee hordhaca u ahaa Shirka Wadatashiga Qaran ee maalmaha soo socda furmi doona.

Sidoo kale Agaasimaha Madaxtooyada ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in laga fogaado in shuruudo lagu xiro fulinta heshiiskii 17-kii Sep laga gaaray doorashada oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka ee muddo xileedkooda dhammaaday.

Shirka dhexmaray Madaxda sabti iyo Axada ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana Maanta oo talaado ah loo balansan yahay inuu dib u furmo Shirkaas oo looga hadli doono Ajendayaasha Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka dhacaya.

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada cadaadis xoogan ku saareysa inay heshiis rasmi ah ka gaaraan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts