HomeWararQM oo War kasoo saartay Shirka Madaxda DF iyo M/Goboleedyada ee Afisyooni

QM oo War kasoo saartay Shirka Madaxda DF iyo M/Goboleedyada ee Afisyooni

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee laba maalin kahor uga furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu boggaadiyay Madaxda shirka u furmay ee hordhaca u ah Shirka Wadatashiga Qaranka ee looga hadlayo doorashooyinka dalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee laba maalin kahor uga furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu boggaadiyay Madaxda shirka u furmay ee hordhaca u ah Shirka Wadatashiga Qaranka ee looga hadlayo doorashooyinka dalka ka dhacaya oo weli aan heshiis laga gaarin.

- Advertisement -

Qaramada Midoobey ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqday inay sii wadaan shirarka aan rasmiga aheyn ee hordhaca u ah Shirka maalmaha soo socda furmi doona, si heshiis rasmi ah looga gaaro khilaafka taagan.

“Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil. Waxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrineynaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka ah” ayaa yiri Qoraalka UN-ka.

Shirka hordhaca ee u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku soo dhamaaday, iyadoo aan wax natiijo ama horumar la gaarin, waxaana la isku soo laaban doonaa maalinta Talaadada ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts