HomeWararDowladda Yemen oo Soomaaliya ka codsatay in loo sii daayo Kalluumeysato ku...

Dowladda Yemen oo Soomaaliya ka codsatay in loo sii daayo Kalluumeysato ku xiran Mudug

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Yemen ee ay QM aqoonsan tahay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin xukunka lagu riday 31 Kalluumeysato Yemeniyiin oo Isbuucii hore lagu qabtay iyagoo ka jillaabanayo Xeebaha Somalia. Wasaaradda Kalluumeysiga ee Yemen waxay ka codsatay Maamulka Puntland in la sii daayo Maxaabiistaasi oo lagu xukumay min 700 oo Dollar iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Yemen ee ay QM aqoonsan tahay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin xukunka lagu riday 31 Kalluumeysato Yemeniyiin oo Isbuucii hore lagu qabtay iyagoo ka jillaabanayo Xeebaha Somalia.

Wasaaradda Kalluumeysiga ee Yemen waxay ka codsatay Maamulka Puntland in la sii daayo Maxaabiistaasi oo lagu xukumay min 700 oo Dollar iyo in lala wareegay Doonyihii iyo Kalluunkii saarnaa.

- Advertisement -

Inkastoo Farriinta Dowladda Yemen ku socotay Maamulka Puntland, haddana Maxaabiistaasi waxaa xukun ku riday Maxkamadda Gobalka Mudug ee Maamulka Galmudug, iyadoo Kalluumeystadaasi laga soo qabtay inta u dhexeyso Xeebta Hobyo iyo Xarardheere.

Maxkamaddu waxay xukuntay 31 Kalluumeysi, halka 8 kale oo da’dooda aad u yarayd la sii daayey.

Dhinaca kale, Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Yemen waxay ka codsatay Maamulayaasha Soomaalida in la sii daayo Kalluumeystadaasi, laguna wareejiyo Doonyihii ay wateen.

- Advertisement -

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts