HomeWararAl-shabaab oo Dagaal kula wareegay Saldhigyo ay ku sugnaayen Ciidamo

Al-shabaab oo Dagaal kula wareegay Saldhigyo ay ku sugnaayen Ciidamo

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in aroornimadii hore ee saakay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab uu ka dhacay degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire. Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Awdheegle […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in aroornimadii hore ee saakay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab uu ka dhacay degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar ku bilowday Qaraxyo ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayna maqlayeen jugta Qaraxyo iyo rasaas daba socotay, isla markaana uu jiro khasaaro kala duwan, wallow aysan xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Al-shabaab  warar barahooda qadka ay ku qoreen ayaa waxaa a ku sheegeen in saakay weerar ku bilowday Qaraxyo ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee Awdheegle iyo Bariire, ayna la wareegeen gacan ku heynta Saldhigyada.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa waxaa ay intaas kusii dareen in Dhammaan wixii gaadiid ahaa ee saldhigyada la weeraray yaalla ay gacanta ku dhigeen, waa ay hadalka u dhigeen shabaabka, si rasmi ahna looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin weerarkii saakay Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada ay ku leeyihiin Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts