HomeWararLaamaha Ammaanka oo gacanta kusoo dhigay Nin Dil geystay

Laamaha Ammaanka oo gacanta kusoo dhigay Nin Dil geystay

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Caabudwaaq iyo deegaano kale oo hoostega Magaaladaas, waxaana laga helayaa howlgalka faah faahino. Ciidamada Booliska Maamulka ayaa gacanta kusoo dhigay Nin hubeysan oo gelinkii dambe ee shalay la sheegay inuu qof shacab ah si bareer ah ugu dilay agagaarka deegaan lagu […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Caabudwaaq iyo deegaano kale oo hoostega Magaaladaas, waxaana laga helayaa howlgalka faah faahino.

Ciidamada Booliska Maamulka ayaa gacanta kusoo dhigay Nin hubeysan oo gelinkii dambe ee shalay la sheegay inuu qof shacab ah si bareer ah ugu dilay agagaarka deegaan lagu magacaabo Dalsan oo hoostega Caabudwaaq.

- Advertisement -

Ciidanka ayaa Ninka falka geystay ku xiray Saldhiga Booliska Magaalada Cabudwaaq ee Galgaduud, isla markaana waxaa Saraakiisha Ciidamada Maamulka ay sheegeen in Ninkaas loo gudbin doono Maxkamad.

Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa horey dilal kala duwan loogu geystay dad shacab ah, waxaana dilalkaas geystay rag hubeysan oo Maleeshiyo beeleed oo qaarkood gacanta lagu dhigay.

Gobolka Galgaduul ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilal qorsheysan oo la xiriiray aanooyin qabiil, waxaana intooba badan dagaaladii ka dhacay ka dhashay khasaaro kala duwan.

Latest stories