HomeWararMuxuu yahay Qodobka ay isku fahmi waayen Madaxda M/Goboleedyada?

Muxuu yahay Qodobka ay isku fahmi waayen Madaxda M/Goboleedyada?

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Shirar afartii maalmood ee lasoo dhaafay u socday Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ayaa waxaa la sheegay in wax hormar laga gaarin mid kamid ah Qodobada ay Madaxda siweyn uga hadlayeen. Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in shanta Madaxweyne dowlad Goboleed isku fahmi waayeen qodobka ajandaha shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirar afartii maalmood ee lasoo dhaafay u socday Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ayaa waxaa la sheegay in wax hormar laga gaarin mid kamid ah Qodobada ay Madaxda siweyn uga hadlayeen.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in shanta Madaxweyne dowlad Goboleed isku fahmi waayeen qodobka ajandaha shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

- Advertisement -

Axmed Qoorqoor, Cabdicaiis Lafta-gareen, Cali Guudlaawe, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa isla gartay oo kaliya in Ciidamada AMISOM ay sugaan amniga goobta uu ka dhacayo Shirka guud ee Madaxda ee looga hadlayo doorashada dalka ka dhaceysa.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ku adkeysanaya in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan Saamileyda siyaasadda sida Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Maalinta ayaa lagu waday inuu Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisyooni uu furmo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada, hayeeshee shirkaas ayaa u muuqda mid dib u dhac uu yimid.

- Advertisement -

Shalay ayey markii Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka ay wada hadleen khilaafka doorashada iyo sidii uu furmi lahaa Shirka Madaxda, iyadoona Beesha Caalamka ay maamulada ku boorisay sii wadadida kulamada hordhaca ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts