HomeWararMaxay ka wada hadleen Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Lafta-gareen?

Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Lafta-gareen?

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Caawa kulan la qaatay Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Sheekh Shariif Sh Axmed.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, marxalada kala guurka iyo khilaafka ka taagan doorashada dhaceysa oo weli aan heshiis rasmi ah laga gaarin.

Dhinacyada ayaa sigaar ah uga arrinsaday sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha ku hor gudban doorashada iyo qaabka uu furmi lahaa Shirka guud ee Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ee ka dhacaya Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen u sheegay in muhiim ay tahay in kaalintiisa uu ka qaato dadaalka loogu jiro sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor ah oo heshiis lagu wada yahay, isla markaana laga wada qeyb qaato.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkan kulan la qaatan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed, waana kulankiisii ugu horreeyay ee muddo kadib la yeesho Shariifka.

Waxaa Maanta kahad galay shirar maalmihii lasoo dhaafay u socday Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka, waxaana Madaxda ay isku fahmi waayeen qodobka ah Ajendaha Shirka Madaxda ee la filayo inuu ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories