HomeCaalamkaMashquul xoogan oo ka jira Kanaalka Suweys, kadib markii dib loo furay

Mashquul xoogan oo ka jira Kanaalka Suweys, kadib markii dib loo furay

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Tan iyo bishan March 23-dii ayaa waxaa xanibnaa Marinka Kanaalak Suweys ee isku xira Badda Cas iyo Badda The Mediterranean Sea, kadib, markii uu Markab Xamuul oo aad u culus ku caariyey inta u dhexeysa labada Cirif ee Kanaalkaasi.

Hawlgalo Gurmadka oo lagu jiidayey Markabkaasi ayaa shalay la soo gebagebeeyey, iyadoo Fiidnimadii xalayna Oodda laga qaaday Boqolaal Maraakiib Ganacsi oo ku xayirnaa Marinkaasi.

- Advertisement -

Haddaba, markii dib loo furay Kanaalka, waxaa ilaa iyo haatan ka gudbay ugu yaraan 113 Markab, halka ay in ka badan 350 kalena ay saf ugu jiraan, si ay uga shiraacdaan Kanaalka ay maalmihii la soo dhaafay ku xayirnaayeen.

Shirkadda Ever Green Marine Corporation oo leh Markabkii xanibay Marinka Kanaalka Suweys ayaa xaqiijiyey inuu markabkaasi u ruqaansaday Haro-biyood lagu magacaabo (The Great Bitter Lake) oo ku taalla inta u dhexeeysa Waqooyiga iyo Dhamaadka Koonfureed ee Kanaalka Suweys.

Shirkadda oo uu Fadhigeeda dhexe ku yaallo Jesiirada Taiwan waxay sheegtay in Markabka lagu sameyn doono Baaritaan dhanka Farsamada, si loo xaqiijiyo inuu bad-qabo, ka hor inta uusan u jiheysanin Marsada ugu weyn Qaaradda Europe oo ku taalla magaalladda Rotterdam ee dalka Netherlands.

- Advertisement -

Latest stories