HomeWararMas’uul ka tirsan G/Banaadir oo Qarax lala eegtay iyo khasaaro ka dhashay

Mas’uul ka tirsan G/Banaadir oo Qarax lala eegtay iyo khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Jugta qarax xoogan ayaa waxaa daqiiqado kahor laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo sigaar ah uga dhaca agagaarka Xarunta degmada Deyliine ee Magaalada Muqdisho. Qaraxaas oo ahaa nooca dhulka la geliyay ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa lala eegtay gaari uu la socday Xoghayaha maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Jugta qarax xoogan ayaa waxaa daqiiqado kahor laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo sigaar ah uga dhaca agagaarka Xarunta degmada Deyliine ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa nooca dhulka la geliyay ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa lala eegtay gaari uu la socday Xoghayaha maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, waxaana gaariga uu qaraxa ku qabsaday xili uu marayay agagaarka Xarunta degmada.

- Advertisement -

Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay Warqabadka Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee uu badbaaday Xoghaye Mahad Sharaawe.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhintay laba ruux oo kamid ah oo goobta marayay, waxaana ku dhaawacmay qof kale, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, iyadoona goobta ay tageen Ciidamo Boolis ah, kadibna xiray.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaan ka hadlin qaraxaas dhacay. Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

Latest stories